Fahamka Taageerada Baahiyaha Ilmahaaga – Qoysaska oo keliya (ma aha xirfadlayaal) – Kind Education – Understanding Support for Your Child’s Needs, delivered in Somali (Parent carers only) (Session 1)

£0.00

Category:

Description

Fahamka Taageerada Baahiyaha Ilmahaaga

Ma bilaabaysaa raadinta taageero ku saabsan koritaanka, dabeecadda, waxbarashada ama fayo-qabka ilmahaaga?

Ma dareemaysaa jahawareer oo aadan hubin halka aad ka bilaabi lahayd ama cidda aad la xiriiri lahayd?

Kaligaa ma tihid. Kulankaan waxaa loogu talagalay in uu ku siiyo taageero, macluumaad cad, iyo hagitaan wax ku ool ah, jawi degan oo saaxiibtinimo leh.

Waxyaabaha Aan Ka Hadli Doonno:

Waxbarashada (Education)

Sida dugsiyadu u bixin karaan taageero marka ilmaha uu la kulmayo caqabada waxbarashdada ama dabeecadeed.

Caafimaadka (Health)

Dulmar ku saabsan taageerada caafimaadka sida dhakhaatiirta, daaweeyayaasha (therapists), ama kooxaha caafimaadka bulshada, iyo sida loo heli karo adeegyadaas.

Daryeelka Bulshada (Social Care)

Taageerada laga heli karo golaha deegaanka (local council), cidda u qalmi karta, iyo sida loo codsado caawimo daryeelka ilmaha.

Wada Shaqaynta (Working Together)

Siyaabo fudud oo macluumaadka iskugu xira guriga, dugsiga iyo adeegyada caafimaadka.

Su’aalo iyo Jawaabo (Q&A)

Weydii su’aalahaaga! Waxaad weydiin kartaa wax kasta oo adiga kuu muhiim ah

To book your talks, please use our booking page.

This helps you pick one talk per time slot and avoids double-booking.

Book your space here